Tvättstugeregler Somaliska


Qabso waqtiga iyo maalinta aad dooneyso inaad dhar mayrato adigoo isticmaalaya qufulka loogu talagalay. Xushmee waqtiyada dharmayrista, qolkuna ha kuu xirnaado llaa inta waqtigaagu kaaga dhammaanayo. Kolkase waqtigaagu kuu dhammaado, qufulka meesha ka fur. Waa mamnuuc in qof kale waqtigiisa la isticmaalo. Qallajiskase waxaa la isticmaali karaa saacad dheeraad ah.

Isticmaal saabuunta degaanka u wanaagsan. Hana ku badin saabuunta.

Kesheliga iyo rajabeetada biruhu ku jiraan ha lagu mayro bacaha loogu talagalay.

Mishinada ka tirtir oo nadiifi saabuunta iyo wasakhda kale. Filtarka mishinka qallajlska ka nadiifi dufta iyo wasakhda. Nadiifi qolka inta aadan ka tegin, qalabka nadaafaddana meeshoodii ku celi.

Xir daaqadaha, nalalkana demi kolka waqtigaagu kuu dhammaado.

Sigaarku waa mamnuuc.

Carruurtu waxay halkaa joogi karaan oo qura kolka dad waaweyni la socdaan.

Wixii cillad iyo qalad kale ah ku wargeli cidda guryaha iska leh. Taleefanku wuxuu ku qoran yahay meesha guriga laga soo galo.

Kadiifadaha MARNABA halkaa laguma mayri karo